img_6453

Darsiga doorashada 2017 “Cashar dheh” Bar AMA Baro

Moment LIGHT Institute ” Machadka iftiinka aqoonta “

Bar AMA Baro – Loollanka iyo legdanka siyaasadeed ee dhacay, taageerada la ka la haystay sokeeye iyo shisheeye iyo midda la ka la helayba, marka laga soo tago guusha Formaajo, anigu cashar ka weyn ayaan ka qaatay doorashada, waxaanna ka la dhexbaxay sawirkan.

Saddax MW iyo hal RW. Saddax MW oo is ku xigay, xilkana ku ka la dabamaray, is kuna wareejiyey dareen, dood iyo dagaal la’aan. Tartan iyo doorasho ka dib, mudane walba wuxuu kii ka dambeeyey xilka ugu dhiibay, sidii loogu dhiibay, isagoon is ku dhejin. Cashar dheh.

Sheekh Shariif Sheekh Axmad; 2009 – 2012

Xasan Sheekh Maxamuud; 2012 – 2017

Maxamad Cabdullaahi Formaajo; 2017 – ………

Waxaa dhextaal u ahaa mar kale, Maxamad Cabdullaahi Formaajo 2010 – 2011 oo RW ahaa.

Intan waxaa afka maamulka iyo maaraynta (DAWLADEED) la yiraa DIMOQORAADDIYAD, MAAMULWADAAG iyo IS KU WAREEJIN MAAMUL. Fal qurux badan, dhaqan subban, tusmo wax ku ool ah, tusaale ku dayasho mudan iyo dimoqoraaddiyad in la gardaadsho u baahan.

Intan waan haysannaa, mase oga badankeen, maxaa yeelay, DIMOQORAADDIYAD col baan la nahay ama maba naqaan, halka ay eheed, in aan ku faanno, ku dhaadanno, lana shirtagno. Waxaan wadaagno ayaa ka badan waxa aan ku ka la tagsannahay, haddana, aannaan dheehan.

U kaalay waxan ay dhahaan AMISOM, ee aan maalin walba ka cabaadno. Itoobiya oo noogu daran uguna xun, sagaashankii lila hadda waxay yeelatay labo RW kaliya, oo waliba midka dambe ay geeri sababtay ma ahane, hal un baa hayn lahaa, haddana, waxaa ka socda qalalaase siyaasadeed. Burundi, Agosto 2005 illaa hadda hal MW ayaa xukunka is ka haysta, marar badanna waxaa ka dhacay qalaale siyaasadeed. Ugaandha, January 1986 ilaa hadda Yoweri Museveni ayaa is ka haysta. Waxaa nagu soo dhaw Kenya, iyana way foolanaysaa dhawr bil ka dib.

Marka waxaan leeyahay, aan is baranno, is barno waxaan nahay, si aan u garanno una haysanno, dadka iyo bulshooyinka kalana ay noogu bartaan, noogana bartaan. Is deeq, ha laguu diiqee.

Moment LIGHT Institute ” Machadka iftiinka aqoonta “

Leave a comment

Trending